Adeegyadii CID oo dib loo bilaabayo maalinta Berito ah.

0
Monday July 13, 2020 - 20:14:06 in Wararka by
  • Visits: 299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Adeegyadii CID oo dib loo bilaabayo maalinta Berito ah.

    Muqdisho:-Iyadoo dhawaan dowladda Soomaaliya ay shaacisay in shaqaalaha dowladda ay dib ugu laabtaan shaqooyinkoodi kadib saameyntii Covid-19 ayaa waxaa dib u bilowday inta badan adeegyadii muhiimka ahaa ee bulshadu ay ka heli jireen hay"adaha d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:-Iyadoo dhawaan dowladda Soomaaliya ay shaacisay in shaqaalaha dowladda ay dib ugu laabtaan shaqooyinkoodi kadib saameyntii Covid-19 ayaa waxaa dib u bilowday inta badan adeegyadii muhiimka ahaa ee bulshadu ay ka heli jireen hay"adaha dowladda. Adeegyadii CID oo dadweynuhu ay ka heli jireen warqadda dembi la'aanta ayaa lagu wadaa in malinta beritu ah 14-July 2020 dib loo bilaabo,sida uu Wakaaladda SONNA u sheegay afhayeeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dhame Sadiiq Aadan Cali. "Waxaa dib loo bilaabayaa adeegii warqadda dembi la'aanta ee (CID maalinta beritu ah oo taariikhdu tahay 14-july 2020,iyadoo la sameeyo habraacyo cusub iyo isbedello kuwaasi oo bulshada u sahlaya in si fudud loogu adeego,loogana taxadaro Covid-19 iyo amniga shacabka,weji xir(Masks ayay dadku soo qaadanayaan,shaqaduna waxaa ay bilaabanaysaa 6:00 aroornimo ilaa 12: Duhurnimo ayayna soconaysaa".ayuu yiri Afhayeenka ciidanka booliska.              

          Afhayeeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dhame Sadiiq Aadan Cali oo u waramayay SONNA ayaa intasi ku daray in tirada dadka maalinkasta laga dhigay 150 qof,halkii hore ka ahaan jirtay 300,taasi oo qeyb ka ah taxadarka bulshada caafimaadkooda.

           Dhame Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in dadka qurba joogta ah ay adeegyadaasi ku heli karaan habkii qadka internetka ee(onlike-ka),iyagoo la xiriiraya safaaradaha wadamada ay joogaan,wuxuuna xusay in aan la ogolaan doonin in shaqaalaha dowladda aanay qof soo raacin si loo ilaaliyo musuqa,iyo kala horeynta dadka,iyadoo dadka baahiyaha gaarka ah qaba si gaar ah loogu adeegi doono,looguna tagayo goobohooda.

Howlihii shaqo ee CID ayaa la joojiyay 19kii bishii Marso 2020,sababo laxiriira Covid-19,Warqadda CID laga qaato ayaa khuseysa, Visaha,Baasaboorka,Leysimada iyo qofka shaqo doonka ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip