UK oo bogaadisay tallaabo ay qaaday SOMALILAND

0
Monday July 13, 2020 - 20:07:24 in Wararka by
  • Visits: 276
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UK oo bogaadisay tallaabo ay qaaday SOMALILAND

    Mr. Stuart Brown, Madaxa xafiiska dowladda UK ee magaalada Hargeysa ayaa war kasoo saaray heshiiska ay shalay gaareen Xisbiyad mucaaridka iyo xukuumada Somaliland. Danjire Stuart Brown ayaa sheegay inay dowlada Ingiriisku ay soo dhaweynayso heshii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mr. Stuart Brown, Madaxa xafiiska dowladda UK ee magaalada Hargeysa ayaa war kasoo saaray heshiiska ay shalay gaareen Xisbiyad mucaaridka iyo xukuumada Somaliland. Danjire Stuart Brown ayaa sheegay inay dowlada Ingiriisku ay soo dhaweynayso heshiiska ay xisbiyada iyo xukuumadu ka gaaren khilaafkii dabada dheeraaday ee qabsoomida doorashooyinka Somaliland. Mr. Brown ayaa tallaabadaasi ku macneeyay mid hore loogu qaaday qabsoomida doorashada oo uu khilaaf badan ka taagna muddooyinkii dambe. Danjiraha ayaa sidoo kale is-dul taagay heshiiskaasi oo uu sheegay inuu cadeynayo doorka Guddida doorashooyinka, Saamiga kuraasta iyo mudeynta waqtiga kama dambaysta ah ee doorashada. Xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada Somaliland ayaa shalay kala saxiixday heshiis cusub oo xal looga gaarayo arrimaha doorashooyinka, midkaasi oo si rasmi ah u badalaya midkii ay wada-gaareen 27-kii Bishii Febaraayo ee sanadkan. UK oo bogaadisay tallaabo ay qaaday SOMALILAND            


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip