Sudan oo ogolaatay khamriga & in laga bixi karo diinta Islaamka
Abdulbari, oo ka tirsan dowladda ku-meel gaarka ah ee dalkaas, ayaa sidoo kale ku dhowaaqay inaysan hadda kadib dambi ahayn in qofka uu ka baxo diinta Islaamka, oo uu qaato diin kale.
"Cidna xaq uma lahan inay qof kale ama koox kale ku eedeyso inay gaalo yihiin…tani waxay halis ku tahay ammaanka iyo nabad-gelyada bulshada, waxayna hoggaamineysaa dilal aargoosi ah,” ayuu yiri.
Dowladda ku-meel gaarka ah ee Sudan ee beddeshay Al-Bashiir ayaa sameysay isbedello dhowr ah, waxaana dastuur ku-meel gaar oo saddex sano ah oo ay qaadatay uu ka tegay inuu diinta Islaamka ku qeexo tan ramsiga ah ee dalka.
Xogta dowladda ayaa muujineysa in kaliya saddex boqolkiiba dadka gaaraya 40-ka milyan ee Sudan ay yihiin Kirishtan, hase yeeshee hogaamiyayaasha Kirishtanka ayaa ku doodaya inay tirada intaas ka badan tahay.
Sudan oo ogolaatay khamriga & in laga bixi karo diinta Islaamka
Sudan ayaa u ogolaan doonta dadka aan Muslimka ahayn inay cabi karaan khamriga, waxayna sidoo kale baabi'isay sharci dhigayey in la dilo qofka ka baxa diinta Islaamka, waxaa sidaas sheegay wasiirka cadaaladda. Is-bedelladan shar