Xaliimo Yarey oo la kulantay qaar ka mid ah Xisbiyada Dalka

0
Monday July 13, 2020 - 19:16:15 in Wararka by
  • Visits: 274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaliimo Yarey oo la kulantay qaar ka mid ah Xisbiyada Dalka

    Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Xisbiyada sida ku meel gaarka ah u diiwaangashan. Kulanka oo u jeedadiisa ahayd is xog waraysi u dhaxeeyo labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Xisbiyada sida ku meel gaarka ah u diiwaangashan. Kulanka oo u jeedadiisa ahayd is xog waraysi u dhaxeeyo labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray sidii xisbiyada hadda jira ay u qaadan lahayeen Shahadada radmiga ah. Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil ayaa furtay kulanka iyadoo ku dheeratay hawlaha Guddiga ee ku aaddan Xisbiyada sida KMG u diiwaangashan, Gudoomiye Xaliima ayaa ka sheekaysay sida ay ugu dedaaleen in la helo Sharciga xisbiyada iyo shuruucda kale ee la xariirta doorashada iyadoo hay'adaha ku shaqada leh aan kaga harin marnaba sidii loo heli lahaa shuruucdaas.             Sidoo kale Gudoomiye Xaliima ayaa ka codsatay in Xisbiyadu ay dhankooda muujiyaan isku duubni ku aadan in dalkaanu uu ka baxo doorashooyinka dadban, iyadoo sidoo kale ka dhawaajisay in Soomaaliya ay 50 sano ka hor ay ka dhacday doorasho qof iyo cod ah iyadoo intaan ka qibrad yar.

            Ugu dambayn Xisbiyada ka soo qaybgalay kulanka ayaa su’aala waydiiyay Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyadoo Komishineerada Guddiga ay kaga jawaabeen su’aalahii la waydiiyay.

Kulankan ayaa ku soo beegmay saacado kadib markii Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka ay sheegeen in aysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip