Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga oo dhiirigelisay ciyaartoy heer wanaagsan ka gaartay tartanka Golfka

0
Monday July 13, 2020 - 19:06:32 in Wararka by
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga oo dhiirigelisay ciyaartoy heer wanaagsan ka gaartay tartanka Golfka

    Waxaa Dalka Mareykanka ka soconaya tartanka Golf-ka caruurta Adduunka,kaasi oo meel wanaagsan ay ka gaartay gabar Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi. Sihaam Cabdirashiid Ibraahim Xuseen oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa waxaa ay soo gaartay Semi-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Dalka Mareykanka ka soconaya tartanka Golf-ka caruurta Adduunka,kaasi oo meel wanaagsan ay ka gaartay gabar Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi. Sihaam Cabdirashiid Ibraahim Xuseen oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa waxaa ay soo gaartay Semi-finalka tartankaasi Golf-ka Caruurta,iyadoo dhiirogelin lacageedna ay ka heshey wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye. "Tartanka koobka Golf-ka carruurta adduunka oo ka dhacaya Mareykanka is reebreebka ayay u soo gudubtay Sihaam Cabdirashiid Ibraahim,Maashaa Allah,guul baan u rajeynayaa Sihaam,waxaa iga gacan siisay gabadhayda Seytuuni Cabdi Xuseen in aan $5000 dollar aan gaarsiiyo,iyadana waan uga mahadcelinayaa dhiirigelinta Sihaam iyo magaca Qaranka Soomaaliyeed".ayay tiri wasiir Khadiijo. Ugu dambeyntii wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya marwo khadiijo Maxamed Diiriye ayaa guul u rajeysay Sihaam Cabdirashiid oo haatan soo gaartay isreebreebka tartankaasi.


     



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip