Taliyeyaal ka tirsan Ciidanka Puntland oo la xiray

0
Saturday July 11, 2020 - 21:08:26 in Wararka by
  • Visits: 497
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyeyaal ka tirsan Ciidanka Puntland oo la xiray

    Wararka naga gaaraya Magaalada Garowe ayaa sheegaya in maamulka Puntland ay xabsiga dhigeen Taliye ku xigeenkii Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale Faarax (Suleembe) iyo Taliyihii Saldhiga Bartamaha Caasimadda Garoowe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga gaaraya Magaalada Garowe ayaa sheegaya in maamulka Puntland ay xabsiga dhigeen Taliye ku xigeenkii Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale Faarax (Suleembe) iyo Taliyihii Saldhiga Bartamaha Caasimadda Garoowe Dhamme Maxamuud Muuse Bile Xuseen (Fardafuul). Puntland ayaa ku eedeysay labadaas Sarkaal in Ciidamo ka tirsan Booliiska Gobolka Nugaal oo ay kamid ahaayeen Labadaasi Sarkaal islamarkaana loo qaaday Magaalada Qardho si tababar loogu furo ayaa la sheegay in ay gadood kooban sameeyeen inkastoo markii dambe la xalliyay. Xarigga Labada Sarkaal ayaa la xiriira gadoodka ay sameeyeen Ciidanka balse Saraakiisha Booliiska iyo Guddiga Dib u-habaynta Ciidamada Puntland ayaan weli ka hadlin dhacdadaas. Sidoo kale maalmo ka hor waxaa gadood sameeyay cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo kuwaas oo diiddanaa in la diiwaan-geliyo balse markii dambe lagu qanciyay. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip