Nuxurka Khudbadii uu jeediyay Madaxweynaha Jubbaland

0
Saturday July 11, 2020 - 21:05:42 in Wararka by
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Khudbadii uu jeediyay Madaxweynaha Jubbaland

    Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Madoobe oo Khudbad ka jeediyay Shirka Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay go'an tahay sidii loo badbaadin lahaa dalka loona qaban lahaa doorasho ku dhacdo waqtigii loogu tala galay. Madaxweynaha ayaa xusay in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Madoobe oo Khudbad ka jeediyay Shirka Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay go'an tahay sidii loo badbaadin lahaa dalka loona qaban lahaa doorasho ku dhacdo waqtigii loogu tala galay. Madaxweynaha ayaa xusay in uu ugu baaqayo dhammaan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay noqdaan xal doon inta lagu guda jiro hanaanka kala guurka ah. Waxaa uu tilmaamay in ay xaq u leeyihiin maamul goboleedyadda in ay shiraan oo ka hadlaan Xaalada dalka, loona baahan yahay in dowladda dhexe ay wadatashi la yeelato si loo helo xasilooni. "Dowlad Goboleedyada waa qaab dhismeed ka tirsan nidaamka Federaalka, xaqna u leh inay tashadaan, dowladda federaalka mas'uuliyiintoodana talada ayaa ka dhaxeysa oo u baahan qaraarada siyaasiga ee la gaarayo mid laga wada tasho oo la isu yimaado oo la isla qaato meesha la is leeyahay wey gaari kartaa"ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe. Waxaa uu intaasi kusii daray Madaxweyne Axmed "Shirkaan muhiimadiisa waxaa rasmi ah oo doorashooyinka iyo siyaasadda waxa dowlad goboleedyada ka dhaxeeya intaba saameyn ku leh, malaha dowlad goboleedyada go'aan ka gaarista arrimo badan, laakiin tashi ayay ku leeyihiin mana doonayaan shaqo aysan iyaga laheyn inay qabtaan, inta ay xaqa u leeyihiin inay ku darsadaan taladooda waaye" .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip