Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa Uganda dib dalka ugu soo celiyo.

0
Saturday July 04, 2020 - 20:52:12 in Wararka by
  • Visits: 231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa Uganda dib dalka ugu soo celiyo.

    Waxaa markii seddaxaad dib looga celiyay dalkii hooyo Muwaadiniyiinta tiradooda gaareysay 136 qof muwaadiniintan Soomaaliyeed oo ku go'doonsanaa dalka Uganda ku dhawaad muddo 3 bil ah, tan iyo markii uu caalamka saameeyay xanuunka fayraska Coron

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa markii seddaxaad dib looga celiyay dalkii hooyo Muwaadiniyiinta tiradooda gaareysay 136 qof muwaadiniintan Soomaaliyeed oo ku go'doonsanaa dalka Uganda ku dhawaad muddo 3 bil ah, tan iyo markii uu caalamka saameeyay xanuunka fayraska Corona, islamarkaana uu istaageen duulimaadyadii Caalamka iskala gooshi jiray. Muwaadiniyiintan maanta dib loga celiyay Muqdisho iyo Garoowe ayaa iskugu jiray Arday Soomaaliyeed oo wax ka baraneysay jaamacadaha kala duwan ee ku yaala dalkan Uganda, iyo dadyow kale oo dalkan siyaabo kala duwan u jogay, dhanka Safaaradda Soomaaliya ee dalkan Uganda oo mar walba u taagan garabsiinta iyo ka warqabka Muwaadiniyiinta Soomaaliyeed ee halkan ku nool ayaa gacan weyn ka geystay in Muwaadiniyiinta dib looga celiyo dalkii hooyo.             Haddaba qaar ka mid ah Muwaadiniyiinta maanta ka dhooftay garoonka Caalamiga ah ee Entebbe oo la hadlay Warbaahinta Qaranka oo ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin dib ugu guryo noqoshada dalkooda Hooyo, iyagoona uga mahadceliyay Madaxda iyo shaqaalaha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Uganda kaalinta ay ka qaadatay howshan.

             Tida guud Muwaadiniyiinta Soomaaliyeed ee ku xayirneed dalka Uganda ee ilaa iyo hadda Safaaradda Soomaaliya ee Uganda dalkii dib ugu soo celisay ayaa ah 353 qof iyadoo sido kale aay jirto muwaadiniin la diiwaan galiyay balse diyaaradda ka buuxsantay oo la filayay Maalmaha socoda in dib looga celiyo dalkii.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip