Ra'iisal Wasaare ku xigeenka dalka oo xariga jaray Dayac-tir lagu sameeyay Wasaarada Ganacsiga

0
Tuesday June 30, 2020 - 21:01:58 in Wararka by
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal Wasaare ku xigeenka dalka oo xariga jaray Dayac-tir lagu sameeyay Wasaarada Ganacsiga

    Ra'iisal Wasaare ku xigeenka XFS Md. Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar), Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Mudane Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo Safiirka dawladda Talyaaniga ee Soomaaliya, ayaa maanta si wada-jir ah xadhiga uga jaray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal Wasaare ku xigeenka XFS Md. Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar), Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Mudane Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo Safiirka dawladda Talyaaniga ee Soomaaliya, ayaa maanta si wada-jir ah xadhiga uga jaray dayac-tir lagu sameeyey dhismaha iyo xafiisyada Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soonaaliya. Kulanka xadhiga loogga jaraayey, ayaa sidoo kale waxa ka soo qeyb-galay guddidii qaban-qaabada xuska 26ka Juun, Wasiiro, guddoomiyaha gobalka Banaadir, xildhibbaano iyo mas'uuliyiin kale oo tiro badan kaasi oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho. Dhismaha iyo xafiisyada dayac-tirka lagu sameeyey, ayaa ka kooban 28 qol, dhismeyaasha Wasaaradda, dusha sare ee Wasaaradda oo iyada na la dhigay qalab aan roobka soo deynayn maadaama xiliyadii hore ay soo daroori jireen, meelaha amniga, masaajidka iyo weli ba sidoo kale qolalka kaydka iyo matoorada kuwaasi oo ah dhismaha Wasaaradda ee ay wada degan yihiin Wasaaradaha Ganacsiga iyo Beeraha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip