Faysal Cali Waraabe oo ka jawaabay Dacwada lagu soo oogaayo

0
Tuesday June 30, 2020 - 20:51:32 in Wararka by
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe oo ka jawaabay Dacwada lagu soo oogaayo

    Golaha wakiillada Somaliland ayaa xeer ilaalinta ugu baaqay in guddoomiyaha xisbiga ucid ee Faysal Cali Waraabe lagu soo oogo eedo la xidhiidha aflagaadeyn iyo kicin dadweyne. Waxay si gaar ah ugu eedeeyeen inuu ku xadgudbay karaamada iyo maamuusk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha wakiillada Somaliland ayaa xeer ilaalinta ugu baaqay in guddoomiyaha xisbiga ucid ee Faysal Cali Waraabe lagu soo oogo eedo la xidhiidha aflagaadeyn iyo kicin dadweyne. Waxay si gaar ah ugu eedeeyeen inuu ku xadgudbay karaamada iyo maamuuska dastuuriga ah ee guddoomiyaha golaha wakiillada Bashe Maxamed faarax, ayagoo Guddida joogtada ah ee Golaha wakiillada ay sidoo kale sheegeen in ay kalsoonidii kala noqdeen Faysal Cali Waraabe. Faysal Cali Waraabe oo jawaabay eedeynta Guddiga ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin, islamarkaana uusan sameyn wax ka baxsan Sharciga iyo kala dambeynta Somaliland. Waxaa uu sidoo kale sheegay in uu Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi uu kala hadlay eedeynta lasoo jeediyay, islamarkaana uu ballanqaaday in uu baari doono. Waxaa uu ku eedeyay Xildhibaanada in ay doonayaan Muddo kororsi ka dib markii maanta ay gudbiyeen Xubnaha Gudiga Doorashooyinka Somaliland ku matali doona Mucaaraadka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip