Miliqa Siyaasadda Somaliya!!!. (Villa Wardhiigleey marna ma ogoleyn in Villa Karaan ey ku yeelato 13 Xubnood Aqalka Sare Welina…)

0
Tuesday June 30, 2020 - 08:19:28 in Wararka by
  • Visits: 1546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Miliqa Siyaasadda Somaliya!!!. (Villa Wardhiigleey marna ma ogoleyn in Villa Karaan ey ku yeelato 13 Xubnood Aqalka Sare Welina…)

    Somaliya Hal Madaxweyne ayey dhibsatay, waxa ey doorbiday 8 Madaxweyne. haddana waxa ey rabtaa 18 Madaxweyne. Hadda waxaa bilaabatay in la isku dhigu Qob Moos Siyaasadeed. Villa Wardhiigleey ayaa tuurtay Qobka 1aad. Villa Wardhiigleey marna ma ogole

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliya Hal Madaxweyne ayey dhibsatay, waxa ey doorbiday 8 Madaxweyne. haddana waxa ey rabtaa 18 Madaxweyne. Hadda waxaa bilaabatay in la isku dhigu Qob Moos Siyaasadeed. Villa Wardhiigleey ayaa tuurtay Qobka 1aad. Villa Wardhiigleey marna ma ogoleyn in Villa Karaan ey ku yeelato 13 Xubnood Aqalka Sare, welina ma ogolo, Culeeys ku yimid ayeey siyaasadeysay. Laakin Viila Wardhiigleey marna ma ogolo in ey Villa Karaan qaadato 13kaa. Laakin Villa karaan waxa ey u qaadatay in ey iyadu qeybineeyso 13kaa. Laakin Villa Wardhiigleey Plan B waxaa u ah in 4.5 lagu qeybiyo, iyaduna ey soo xusho, kadib marka ey abuurto xaalad lagu heshii waayo.
Villa Garowe ayaa qeylo ka keentay, iyadu ma diidano in Villa karaan 13 kursi la siiyo, waxay ku doodee oo kaliya in laga siiyo Xubno badan 13ka, marka uu fulo qorshaha Villa wardhiigleey iyo in miliq badan oo ka dhax jiro Maalmahaan Punt land gudaheeda laga sii jeediyo indhaha Shacabka Reer punt land oo cadaalad daro dhaxdooda ah kala tirsanyo.
Villa Wardhiigleey waxa ey bilaawday in ey uga faa’iideeysato khilaaf cusub iyo in mucaaradkeedu ey dhaxdooda isku mashquulaan.
FG: Qorshaha kaliya ee Villa wardhiigleey waa in ey iyadu abuurto Golla deegaan Banadir oo ah 4.5 ah iyaduna ey soo xusho, Gollahaas ayaa soo xulayo 13ka xubin oo lafteedu ku saleeysan 4.5. waana halka mustaqbalka dhaw ey isaga hor imaan doonaan Villa wardhiigleey iyo Villa karaan. Barrow iyo Bareey war iskuma hayaan.
Miliqa Siyaasadeed ma fahamtay, waa Qabriga villa Wardhiigleey ey u qorsheeyday Qarankii ahaa Somalia waa hal,( F.S:1aad) Lana sii xoojiyo Qorshii hore ee isticmaariga ahaa ee Qeybi Somaliya ee xakun ( F.S : 2aad).
Miliqii miyaan kaa sii milqiyay, Raali ahoow, midnimo cadaalad ku saleeysan ayaan raadinayay.
Sug sug, Annaaba wax iga milqi rabaane, Amaan Adiga wax kaa sii milqiyayay, raali ahaaw.
Allow Somaliya oo hal ah. Aamiin.
Arragtidaada xur ayaad u tahay
Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip