Samiir Abdullahi Olat SOMALI ku Matalay Shirka Dhallinyarada Adduunka 2020

0
Monday June 29, 2020 - 20:08:35 in Wararka by
  • Visits: 256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Samiir Abdullahi Olat SOMALI ku Matalay Shirka Dhallinyarada Adduunka 2020

    Shir Caalami ah oo COVID19 awgii Aaladda la iska arko ee ZOOM-ka ay ku yeesheen Dhallinyaro kala matalaysay 183 Dal oo ay SOMALIA ku jirto, ayaa laga soo saaray qodobo muhiim u ah marxaladaha Adduunka ka jira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir Caalami ah oo COVID19 awgii Aaladda la iska arko ee ZOOM-ka ay ku yeesheen Dhallinyaro kala matalaysay 183 Dal oo ay SOMALIA ku jirto, ayaa laga soo saaray qodobo muhiim u ah marxaladaha Adduunka ka jira.       ● Waxaa guud ahaan lagu lafa guray saameeynta COVID19 uu ku yeeshay Caalamka oo dhan, iyo sidii xagga horumarinta looga taageeri lahaa dalalka uu la haray cudurka iyo dhammaan soo kabashada Dhaqaalaha iyo Shaqooyinka, waxaana Shirkan qaban qaabadiisa iska kaashaday United Nations Development Program ( UNDP) iyo Wold Health Organization (WHO).
● Qodobo badan ayaa shirkani kasoo baxay, waxaana ugu culus inaan dalna gadaal looga tagin oo taageero ballaaran si siman loogu fidiyo dalalka dunida gaar ahaan kuwa saboolka ah iyo wadamada dunida 3aad.

● Sidoo kale In laga dhabeeyo taakuleynta Qoysaska iyo dadka baahiyaha gaarkaa qaba ee cudurkaan Coronavirus uu saameeyay.
● SOMALIA, ayaa kaalin ku laheyd shirkan caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka, waxaana bogaadin mudan in Samiir Colaad oo hadda kusugan Dalka Rwanda uu codkeena ku biiriyey go’aamada la gaaray.


          

Abdulrazak IndhaJaceyl



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip