Maxkamadda Ciidamada oo Maanta la horkeenay laba Eedeysane

0
Sunday June 28, 2020 - 20:37:22 in Wararka by
  • Visits: 263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Ciidamada oo Maanta la horkeenay laba Eedeysane

    Maxkamada Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa Maanta u fariisatay wajiga 1 aad ee dacwad loo heystay laba eedeysano oo mid kamid ah uu yahay shacab halka kan kalane uu ka tirsan yahay Ciidanka xoogaa dalka Soomaliyeed. Labada eedeysane oo kal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa Maanta u fariisatay wajiga 1 aad ee dacwad loo heystay laba eedeysano oo mid kamid ah uu yahay shacab halka kan kalane uu ka tirsan yahay Ciidanka xoogaa dalka Soomaliyeed. Labada eedeysane oo kala ah Dable xooga Cabdi Cabdule jaliil iyo Shacab Ibraahim Maxamud ayaa loo heystaa lunsasho dhuunta qoriga dhashiikaha ee ay ku howl gali jireen Ururka 40aad Guudada 5 aad qeybta 27 aad ee Ciidanka xooga dalka. Dhageysiga Fadhiga maxkamada waxaa daahfuray gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad, Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle Aadan,kuxigeenka xeer ilaaaliyaha guud ee maxkamada Ciidamada iyo qareenkii dhifaacaya ayaa dhankooda inta ay dacwada socotay dood dheer dhax martay. Abuukaate Carab Yuusuf Nuur Shabeel oo ah qareenkii u doodayay eedey sanayaasha ayaa maxkamada ka cod saday in loo fiiriyo sifaalaha danbiga fududeeya. Xeer ilaaliye kuxigeenka maxkamada Ciidamada qalabka sida gaashaanle Maxamed Cabduqaadir maxamed ayaa garsOorka ka hor cadeeyay in eedeysanayaashani ay isku dayeen inay lunsadaan hantida Ciidanka xooga dalka,iaga oo garsoorka ka codsaday in la marsiiyo ciqaab u qalanta si ay tusaale ugu noqota askarta iyo saraakiisha kale ee katirsan ciidanka xooga dalka soomaliyeed. Garmaqalka waxa soo xeray guddoonka maxkamada Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ,gaashanle Maxamed amiin Cabdule Aadan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip