Xildhibaano Puntland u soo jeediyey in ay ku dhawaaqdo madax-banaani

0
Sunday June 28, 2020 - 20:33:32 in Wararka by
  • Visits: 231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano Puntland u soo jeediyey in ay ku dhawaaqdo madax-banaani

    Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland oo ka carooday Go'aankii Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ay ugu ansixiyeen Gobolka Banaadir in uu 13 Xubnood ku yeesho Aqalka ayaa sheegay inay ka codsanayaan Xukuumadda Madaxweyne Deni i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland oo ka carooday Go'aankii Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ay ugu ansixiyeen Gobolka Banaadir in uu 13 Xubnood ku yeesho Aqalka ayaa sheegay inay ka codsanayaan Xukuumadda Madaxweyne Deni in ay ka ku dhawaaqdo madax-baani. Qaar kamid ah Xildhibaannada oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay sheegeen in Magaalada Muqdisho ay markii hore u aqoon sanaayeen goob daka lagu dilo laguna dhaco, hayeeshee haatan ay noqotay mid Sharciga lagu dhaco. Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Xeerarka doorashada oo ay qaarkood ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka aysan aqoonsaneyn,waxaana ay sheegeen inay Puntland tashan doonaan go'aanana soo saari doonaan. Waxaa ay sheegeen in Magaalada Muqdisho ay tahay Magaalo Soomaaliyeed,balse ay u muuqato mi dad gaar ah xigsanayaan,waaana ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka, Maamulada Galmudug, Hir-Shabeelle & KGS inay faquuqayaan Maamulada Puntland iyo Jubbaland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip