Amb, Daahir Geelle "Tallaabada uu qaaday Baarlamaanka waa dawada dadka Muqdisho"
Waxaan bogaadinayaa tallaabadii Golaha Shacabku maanta ku meel mariyeen in gobolka Banaadir loo qoondeeyo 13 senator oo uu ku yeesho aqalka sare ee dalka.
Waxay daweyneysaa tabasho ay qabeen dadka ku nool caasimadda oo aan matelaad ku lahayn Golaha Aqalka sare.
Waxaa ammaan leh mudaneyaashii ansixiyay iyo intii dadaal u soo gashay. Waxaan u sheegayaa mudaneyaashii aan u codeyn ama diiddanaa arrintan in ay ku qancaan in kuraastani tahay mid Soomaaliyeed oo berri qof kastaa u tartami karo, gaar ahaan marka uu hirgalo nidaamka xisbiyada ee afkaarta iyo ajendayaasha siyaasadeed ku saleysan.
Waxaa harsan in matalaaddan lagu qoro dustuurka si ay u noqoto mid dustuuri ah.
Arrin kale oo muhiim ah waxay tahay Maqaamka caasimadda oo isaguna leh mudnaan gaar ah, taas oo aan ku imaaneyn soo dhacsasho ee ku imaaneysa ka dhaadhicin walaalaha Soomaaliyeed inay caasimadda siiyaan maqaam marka hore u adeegaya qaranka, dadka degganna siinaya waxa ay mudan yihiin.
Amb, Daahir Geelle "Tallaabada uu qaaday Baarlamaanka waa dawada dadka Muqdisho"
Amb, Daahir Maxamuud Geelle wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfafainta Soomalaiya ahna musharax Madaxweyne ayaa soo dhaweeyay tallaabada Xildhibaannada Golaha Shacabka ay ku ansixiyeen 13 Xubnood ee Gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka Sare. Muda