Ciidamada C/rashiid Janan oo la sheegay inay hubkooda Iibsanayaan

0
Sunday June 28, 2020 - 20:24:32 in Wararka by
  • Visits: 218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada C/rashiid Janan oo la sheegay inay hubkooda Iibsanayaan

    Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha Ammaanka Magaalada Mandheera ayaa ka deyriyay Hub lagu iibiyo Gudaha Magaalada oo ay ku eedeeyeen in Ciidamada uu wato Cabdirashiid Janan ay hubka ka iibinayaan Qabaa'ilada ku nool Magaaladaasi oo mararka qaar dagaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha Ammaanka Magaalada Mandheera ayaa ka deyriyay Hub lagu iibiyo Gudaha Magaalada oo ay ku eedeeyeen in Ciidamada uu wato Cabdirashiid Janan ay hubka ka iibinayaan Qabaa'ilada ku nool Magaaladaasi oo mararka qaar dagaalama. Mudanaha laga soo doorto Bariga Magaalada Mandheera Cumar Maxamed Macalin ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in Ciidamada Cabdirashiid Janan oo degan duleedka Mandheera ay hub ka iibinayaan qabaa'ilada degan magaalada,isla markaana hubkaasi ay dadka ku wada dagaalamaan. Waxaa uu sheegay in Shacbaka ku nool Magaalada Mandheera looga baahan yahay inay iska caabin ka sameeyaan Ciidamada cabdi Rahdiid Janan ee degan Gudaha Magaalada Mandheera,isla markaana ay iska caabin kala horyimaadaan,waxaana xusid mudan in C/Rashiid Janan uusan weli ka jawaabin eedeyntaas. Hadalka Mudanaha laga soo doorto Bariga Magaalada Mandheera ayaa waxaa uu ksuoo aadayaa xilli Taliyaha Sirdoonka Magaalada Mandheera uu sheegay in laamaha Amniga ay gacanta ku dhigeen Kooxo ka Ganacasanayay hubka,kuwaas oo uu sheegay inay baaritaan ku hayaan. Duleedka iyo Gudaha Magaalada Mandheera waxaa ku sugan Ciidamo farabadna oo uu wato Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur Janan, kaas oo looga awood roonaaday agaal ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya kula galeen degmada Beled-Xaawo ee Gobolkaasi Gedo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip