Somaliland oo si kedis ah kula wareegtay Xarunta Universaltv ee Hargeysa

0
Saturday June 27, 2020 - 19:20:12 in Wararka by
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo si kedis ah kula wareegtay Xarunta Universaltv ee Hargeysa

    Xoogaga ammaanka ee Somaliland ayaa maanta xoog kula wareegay Xarunta Telefishinka Universal ee Magaalada Hargeysa. Ciidamada Booliska ayaa duhurnimadii maanta xafiiska ka dareeriyay Shaqaalaha TV-ga, ka dib markii ay gudaha u soo galeen xafiiska,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga ammaanka ee Somaliland ayaa maanta xoog kula wareegay Xarunta Telefishinka Universal ee Magaalada Hargeysa. Ciidamada Booliska ayaa duhurnimadii maanta xafiiska ka dareeriyay Shaqaalaha TV-ga, ka dib markii ay gudaha u soo galeen xafiiska, shaqaalihii oo hawshooda ku guda jira. Ciidamada ayaa sifo aan sharci ahayn ku weeraray Xarunta Universaltv oo ku taala daanta galbeed ee Magaalada Hargeysa, mana jirin maxkamad ay amar uga haysteen la wareegidaasi. Maxamed Diiriye Meecaad, Agaasimaha Xarunta Universaltv ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in si lama fillaan ahayd ay duulaan ugala kulmeen Ciidamada Booliska. "Anagoo ku jirno warkii abaare kowda iyo dheeraad ayaa waxaa noo yimid Ciidamada Somaliland, oo runtii iyagoo aan waxba noo sheegin, warqad maxkamadeedna oo ay wateen ayna tuseyna jirin ayay soo galeen xarunta, warkii bay joojiyeen. Shaqaalihii inta la uruuriyay ayaa dibadda la isugu keenay, waxaa nagala qaaday moobeelada, cabaar baa meel nalagu haayay." Ayuu yiri Agaasimaha oo la hadlay BBC. Wuxuu sheegay in uu Ciidamada Booliska weydiiyay sababta ay ula wareegayan xaruntooda, waxaase loo sheegay in Wasaaradda Warfaafinta kala laabatay ruqsadii ay ku hawlgalayeen.

             "Waxaan weydiiyay maxaa dhacay oo jira, ileen haddii meesha la xiraayo waxay ahayd inaad maxkamadda soo martaan, idinkoo sita warqadda maxkamadana noo timaadaan, waxay yiraahdeen waxaa na soo dirtay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, oo tiri ruqsaddii baa lagala noqday TV-ga. Laga bilaabana saacaddaa TV-ga wax shaqo ah ma qaban karo.” Ayuu yiri Agaasime Meecaad.

Maalintii Khamiisti ayay Ciidamada Booliska xoog kula wareegeen Xaruntii Dhexe ee Telefishinka Star ee Magaalada Hargeysa, sabab aan illaa iyo hadda la sheegin.

 

     





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip