Madaxweyne Farmaajo oo farriin hambalyo u diray walaalaha Jabuuti

0
Saturday June 27, 2020 - 19:13:20 in Wararka by
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo farriin hambalyo u diray walaalaha Jabuuti

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u diray dhiggiisa dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo guud ahaan shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti hambalyo ku aaddan sannad gu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u diray dhiggiisa dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo guud ahaan shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti hambalyo ku aaddan sannad guuradii 43-aad ee kasoo wareegtay xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay maanka ku hayaan garab istaagga iyo naf-hurnimada reer Jabuuti ay u muujiyeen dalkeenna xilliyadii adkaa, taas oo garab weyn u ahayd dowlad-dhisidda iyo samata-bixinta Soomaaliya.

                "Dowladda iyo shacabka reer Jabuuti hiilka iyo garab istaagga hagar la’aaneed ee aad noo muujiseen gaar ahaan wakhtiyadii adkaa waa mid aan marnaba ilaawi doonin, waa mid shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay idiin ogsoon yihiin”.

         Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xusay doorkii ay ku lahaayeen shacabka halgankii xornimo doonka ahaa ee walaalaheen Jabuuti, waxa uuna xoojiyay xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.        "maanta waxaa farxad noo ah in aan la qeybsanno walalaheen Jabuuti dabbaal-degga xuska sannad guurada 43-aad ee xornimadooda ee kasoo wareegtay markii Jabuuti xornimada ka qaadatay gumeystihii Faransiiska.

 

       Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay shacabka reer Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle isku duubni, nabad waarta iyo horumar dhinac walba ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip