Sanbalooshe: "Qatar waxay siisay Farmaajo dhaqaale fara badan si uu Xiriirka ugu jaro Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar..".Wareysi Cod ah.

0
Saturday June 27, 2020 - 18:46:02 in Wararka by
  • Visits: 218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sanbalooshe: "Qatar waxay siisay Farmaajo dhaqaale fara badan si uu Xiriirka ugu jaro Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar..".Wareysi Cod ah.

    Wareysi uu Agaasimihii hore ee Hay'adda Sirdoonka & Nabadsugida Qaranka Somalia, C/llaahi Maxamed Cali "Sambalooshe" ayaa wareysi siiyey Telefishinka Alarabiya ee Sacuudiga laga leeyahay, isagoo ku bidhaamiyey inay Dowladda Qatar s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wareysi uu Agaasimihii hore ee Hay'adda Sirdoonka & Nabadsugida Qaranka Somalia, C/llaahi Maxamed Cali "Sambalooshe" ayaa wareysi siiyey Telefishinka Alarabiya ee Sacuudiga laga leeyahay, isagoo ku bidhaamiyey inay Dowladda Qatar siisay Madaxweyne Farmaajo dhaqaale aan cadad lahayn, si uu Xiriirka ugu jaro Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar.          W

Waxa kale oo uu tilmaamay tan iyo sanadkii 2017-kii inay Dowladda Qadar door Asaasi ah ka ciyaartay Go’aan-samaynta DFS, isla markaana ay galangal iyo saamayn xooggan ku dhex yeelatay Ra’isul-wasaaraha, Madaxtooyada iyo Hay’adaha Amniga, gaar ahaan Hay’adda NISA, waa sida uu hadalka u dhigay.

"Qatar waxay cadaadis ku saartay Somalia sidii ay Xiriirka ugu jari lahayd Isbahaysiyada Dibedda, oo ay ku jiraan Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar” ayuu ku yiri Sambalooshe Wareysiga uu siiyey Telefishinka Alarabiya ee Sacuudiga laga leeyahay, balse ay Xaruntiisa dhexe ku taallo magaalladda Dubai ee Imaaraadka.

Waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda Qatar taageero aan xad lahayn siisay Madaxweyne Farmaajo, si uu ugu bedesho inuu xiriirka u jaro Isbahaysiga ay Sacuudiga hoggaamiyaan iyo in Qatar loo oggolaado inay Somalia u adeegsato Weeraradda ka dhanka ah Dowladaha Khaliijka, waa sida uu hadalka u yiri.

Isbuucii hore ayey ahayd markii uu C/llaahi Sambalooshe ku eedeeyey Dowladda Qatar inay galaangal ugu jirto sidii Madaxweyne Farmaajo mar kale ugu guuleysan lahaa Doorashadda Madaxtinimada Somalia.

Maqaal uu ku soo qoray Wargeyska The National Interest ee ka soo baxa Maraykanka waxa uu Qormadiisa ku soo hadal-qaaday Dowladda Qatar oo uu ku sheegay inay caqabad ku yihiin dalka Somalia, isla markaana ay taageero Dhaqaale iyo mid Farsamo siiyaan Dowladda Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad-gobaleedyada jaalka la ah DFS, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu qoraalkiisa ku muujiyey in Madaxweyne Farmaajo oo u nugul Dowladda Qatar inuu heer xun gaarsiiyey Xiriirka Taariikhiga iyo midka Istaraatijiyadda ee ay Somalia la lahayd dalalka Gacanka Carbeed iyo Masar, waa sida hadalka u dhigay.

Dhalacaynta Siyaasiga Sambalooshe waxay ku soo beegantay iyadoo uu Ra’siul-wasaare Kheyre haatan booqasho rasmi ah ku jooga caasimadda dalka Qarae ee Doha.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Qatar waxay ka mid tahay Dowladaha taageeradda ugu badan siiya DFS, halka ay Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaaradka iyo kuwo kale aysan Taageero Dhaqaale oo mug leh siinin DFS, oo ay u arkaan inay Isbahaysi dhow la tahay Qatar oo ay colaad siyaasadeed kala dhexeeyso Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxrayn.

Halkan ka dhegeyso Wareysiga Sambalooshe ee Alarabiya.

0:06 / 0:39


Xigasho: Alarabiya



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip