Ardayda dugsiyada Sare ee Somaliland oo u fariisatay imtixaanka Shahaadiga

0
Saturday June 27, 2020 - 18:24:11 in Wararka by
  • Visits: 246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ardayda dugsiyada Sare ee Somaliland oo u fariisatay imtixaanka Shahaadiga

    Inka badan toban kun oo arday ayaa u fariisatay imtixaanka ee Dugsiga Sare ayaa maanta u fariisatay Imtixaanka Shahaadiga. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye ayaa si rasmi ah u daahfuray qaadista imtixaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inka badan toban kun oo arday ayaa u fariisatay imtixaanka ee Dugsiga Sare ayaa maanta u fariisatay Imtixaanka Shahaadiga. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye ayaa si rasmi ah u daahfuray qaadista imtixaanka. Wasiirka waxbarashada Axmed Maxamed Diiriye ayaa la hadlay ardayda kahor inta aan loo qaybin warqadaha Imtixaanka lasoo diyaariyay, isaga oo kala hadlay ilaalinta shuruucda iyo xaaladda looga feejignaanayo faafitaanka Cudurka dilaaga ah ee COVID-19. Daah furka Imtixaanka oo lagu qabtay Dugisga sare ee Muuse Yuusuf ee Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxa uu ka shaaciyay in sida loo qorsheeyay uu u socon doono gelista Imtixaanka. Shuruudaha lagu galayo waxa uu Ardayda uu la hadlay u sheegay in guud ahaan Gobollada Somaliland ay ka siman yihiin oo aysan jirin Magaalo ama gobol. Ardayda ayaa la kala fogaayay, waxaana la dhimay fasalada tirada ay ku gali jireen, Arday waliba waxaa la siiyay Agabka Afka iyo sanka daboola (Face Mask), Gacan gashi iyo agab kale oo looga hartagayo faafitaanka Fayruska Corona. Guddiga la dagaalanka Covid-19 ee Somaliland ayaa todobaadkii tagay ku dhawaaqay in la qaaday xaalad iyo Xayiraad waliba oo ka dhalatay cudurka Coronavirus, inkasta oo aan guud ahaan deegannada maamulkaas ka dhamaan Cudurka Covid-19.     



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip