Shiikh Shaakir oo war kasoo saaray dagaal beeleedyada ka socda GALGADUUD

0
Saturday June 27, 2020 - 18:09:47 in Wararka by
  • Visits: 272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiikh Shaakir oo war kasoo saaray dagaal beeleedyada ka socda GALGADUUD

    Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa war ka soo saaray dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday deegaanada Xananbuure iyo Qalanqalle ee waqooyiga gobolka Galgaduud. Qoraalka ka soo baxay xafiiska Sheekh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa war ka soo saaray dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday deegaanada Xananbuure iyo Qalanqalle ee waqooyiga gobolka Galgaduud. Qoraalka ka soo baxay xafiiska Sheekh Shaakir ayaa waxaa ugu horreyn dhinacyada diriraya looga dalbaday inay dagaalka ku joojiyaan, si shuruud la'aan ah.        Sidoo kale waxaa loogu baaqay waxgaradka, culimada iyo odayaasha dhaqanka inay u istaagaan sidii looga hortagi lahaa dagaalladaasi.

Ugu dambeyn Ahlu Sunna ayaa sheegtay in xilligan aan loo baahneyn dagaallo sokeeye, islamarkaana ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo nabadda.

           Dagaallada ka socda Galgaduud ayaa waxaa ku dhintay 10 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ay ku jiraan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip