Ciidamo la wareegay deegaano ay ku dagaalameen maleeshiyaad Gobolka Galgaduud

0
Saturday June 27, 2020 - 18:00:08 in Wararka by
  • Visits: 240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo la wareegay deegaano ay ku dagaalameen maleeshiyaad Gobolka Galgaduud

    Ciidamada Militariga qaybta 21aad & Ciidanka Nabad Suggida Maamulka Galmudug ayaa la wareegay deegaano maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalameen maleeshiyaad. Ciidankaan oo ka ambabaxay Magaalooyinka Dhuusamareeb & Guriceel ee Gobolka Gal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Militariga qaybta 21aad & Ciidanka Nabad Suggida Maamulka Galmudug ayaa la wareegay deegaano maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalameen maleeshiyaad. Ciidankaan oo ka ambabaxay Magaalooyinka Dhuusamareeb & Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa ugu dambeyn la wareegay ammaanka deegaanka Xananbuure, waxaana ay ku sii wajahan yihiin deegaanka Qalanqaale oo ka mid deeganada maleeshiyaadka ku dagaalameen. Dagaalka dhexmaray labada maleeshiyo beeleed ee ka soo kala jeeda Guriceel & Cadaado ayaa waxaa ka dhashay Khasaare dhimasho, waxaana la sheegayaa ku dhawaad 10 ruux inay ku dhinteen dagaalka oo uu ku jiro Wasiir hore oo ka tirsanaa Maamulkii Madaxweyne Xaaf. Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa ku amray Ciidamada inay deganaan ku soo celiyaan deeganada lagula dagaalamaan, islamarkaana ammaanka si wayn u sugaan.                  Dagaalka dhexmaray beelahan walaalaha ah ayaa ka bilowday arrimo la xiriira dhul Baraago ah oo ay ku wada murmeen qaar ka mid ah maleeshiyaadka, kadibna xaaladda ay isku bedeshahay gacan ka hadal dhiig badan ku daato.

Wali deegaano & Degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud waxaa ka taagan xiisadaha & colaada la xiriirta maleeshiyaadka dhulalka isku dagaala.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip