Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo soo dhoweeyay ansixinta Matalaada Gobolka Banaadir

0
Saturday June 27, 2020 - 17:22:28 in Wararka by
  • Visits: 259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo soo dhoweeyay ansixinta Matalaada Gobolka Banaadir

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa ka hadlay ansixinta xeerka Matalaada Gobolka Banaadir ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Qoraal uu soo saaray Duqa Muqdisho Cumar Finish ayuu ug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa ka hadlay ansixinta xeerka Matalaada Gobolka Banaadir ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Qoraal uu soo saaray Duqa Muqdisho Cumar Finish ayuu ugu Mahadceliyay Baarlamaanka JFS oo maanta si aqlabiyad leh u ansixiyay xeerkii Matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, isagoo sheegay inay kaalin lama ilaabaan ah oo taariikhda gashay. "Waxaan u mahadcelinayaa Baarlamaanka JFS oo maanta si aqlabiyad leh u ansixiyay xeerkii Matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, Waxaad muujiseen kaalin lama ilaabaan ah oo taariikhda gashay oo aad ugu hiiliseen shacabka Gobolka Banaadir. Waxaan hambalyo la wadaagayaa Shacabka Gobolka Banaadir guushaas u soo hoyatay, taasoo ku timid Adkeysi, Sabar badan, abaalkii ay Qaranka u galeen ee canshuurtooda ku bixiyeen Dowladnimada miraheedi maanta ayay heleen" ayuu yiri Duqa Muqdisho Cumar Finish. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu xusay inuu geed dheer iyo geed gaaban u koray sidii Gobolka Banaadir matalaad ugu heli lahaa Aqalka Sare.

          "Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo geed dheer iyo geed gaaban u koray sidii Gobolka Banaadir matalaad ugu heli lahaa Aqalka Sare, annagoo horay u taageernay baaqiisii uu Baarlamaanka ka hor-jeediyay 6-dii bishan June 2020, waxay aheyd tallaabo geesinnimo leh” ayuu sii racsiiyay hadalkiis Cumar Finish.

        Kulan ay maanta yeesheen xildhibaanada baarlamaanka ayaa 142 Xildhibaan waxa ay oggolaatay in uu Gobolka Banaadir 13 xubnood ku yeesho Aqalka Sare, afar ayaa diidday, mana jirin cid ka aamustay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip