Iska hor imaad Khasaare gaystay oo Addis Ababa ku dhexmaray Booliska & Rag hubaysan

0
Saturday June 27, 2020 - 17:01:42 in Wararka by
  • Visits: 239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska hor imaad Khasaare gaystay oo Addis Ababa ku dhexmaray Booliska & Rag hubaysan

    Booliska caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegay burcad hubeysan iyo booliska rasaas ay isweydaarsadeen inuu hal qof ku dhintay hal qofna uu ku dhaawacmay. Boolisku waxay sheegeen burcad hubeysan oo ka koobnaa siddeed x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegay burcad hubeysan iyo booliska rasaas ay isweydaarsadeen inuu hal qof ku dhintay hal qofna uu ku dhaawacmay. Boolisku waxay sheegeen burcad hubeysan oo ka koobnaa siddeed xubnood iney weerareen isla-markaana ay dhac u geysteen guri ay degganaayeen muwaaddiniin u dhashay dalka Shiinaha.             Guriga ay burcadda dhaca u geysteen oo ku yaallay xaafadda Ruwaandha ee magaalada Addis Ababa waxaa markiba soo gaaray qaar ka mid ah booliska Federaalka dalkaasi.

           Booliska oo hareereeray Ragga Burcadda ayaa u sheegay inay isdhiibaan, balse Burcadda oo diiday ayaa dagaalameen, waxaana halkaasi ku dhintay mid ka mid Burcaddii, halka sidoo kalena gacanta lagu dhigay mid dhaawac ah & lix Burcad ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip