Dabley hubaysan oo laba Askari ku dilay Muqdisho

0
Saturday June 27, 2020 - 16:21:10 in Wararka by
  • Visits: 227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dabley hubaysan oo laba Askari ku dilay Muqdisho

    Dabley hubaysan ayaa Degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir waxa ay ku dileen laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda Federalka Somaliya. Goobjoogayaal ayaa ku warramay inuu dilka si gaar ah uga dhacay meel ku dhaw Masjidka Irsh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dabley hubaysan ayaa Degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir waxa ay ku dileen laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda Federalka Somaliya. Goobjoogayaal ayaa ku warramay inuu dilka si gaar ah uga dhacay meel ku dhaw Masjidka Irshaad ee Kaaraan, waxaana la toogtay laba Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Minishiibiyada xili ay ku jireen goob lagu gooyo boonada Gaadiidka Carro-gediska.

               Dableydii dilka gaysatay ayaa durbadiiba waxa ay ka carareen goobtii ay ku dileen labada Askari, waxaana meesha tagay Ciidamada Booliska.

Booliska ayaa goobta dilka uu ka dhacay waxa ay ka soo qaadeen maydka labada Askari ee la dilay, waxaana socda Baaritaanka kooxdii dilka gaysatay.

Beegsiga lagu haayo Ciidamada dowladda ayaa wali ka sii socda Magaalada Muqdisho, waxaana dilalkaasi gaysanaya amniyaadka Ururka Al Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip