CC Shakuur: Xaliimo Yarey intay dalka qalalaaso gelin laheyd ha is-casisho waan u ogeyn waxay soo waddo
” Mar haddii masuuliyadii loo igmaday ay ka soo bixi waayeen, hal wado ayaa GMDQ u furan, intii ay dalka qalalaase gelin lahaayeen waa in ay is casilaan”.
Hadalka Cabdiraxmaan ayaa kusoo aadayo xilli Maanta ay Xaliimo Yarey ku dhawaaqday inay dalka doorasho uga qaban karaan 9-13 bilood taasoo ku xiran hadba nooca doorasho ee la isku raaco iyadoo soo bandhigtay laba nooc doorasho.
Guddoomiye Xaliima Yarey ayaa caddeysay in doorashada habka diiwaan gelinta ay ku dhici karto muddo 13 bilood gudahood laga bilaabo bisha July 2020 illaa bisha Agosto 2021.
Waxaa ay sheegtay doorashada nooca diiwaan gelinta aysan ku qabsoomi karin bisha November ee sanadkan oo ah xilliga Baarlamaanka waqtigiisa dhamaanayo,
Sidoo kale waxaa ay xustay in doorashada ku dhaceysa hab diiwaan gelinta ay ku dhici karto illaa bisha Agosto 2021.
Waxaa kaloo ay xustay in nooca gacan ku diiwana gelinta ay ku qabsoomi karto bisha March sanadka 2021.
Xigasho:-caasimadda.net
CC Shakuur: Xaliimo Yarey intay dalka qalalaaso gelin laheyd ha is-casisho waan u ogeyn waxay soo waddo
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay khudbadii ay Maanta Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Xaliimo Yarey ka hor jeedisay Baarlamaanka Soomaaliya. Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay horey u ogaayeen h