Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Magaalda Glasgow (SAWIRRO)

0
Friday June 26, 2020 - 19:45:29 in Wararka by
  • Visits: 216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Magaalda Glasgow (SAWIRRO)

    Ugu yaraan saddex qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimayay weerar toorey loo adeegsaday, oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Magaalada Glasgow. Nin toorey ku hubeysnaa ayaa si saf-mar ah tooreyda ula dhex qaaday dad ku sugnaa Park Inn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan saddex qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimayay weerar toorey loo adeegsaday, oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Magaalada Glasgow. Nin toorey ku hubeysnaa ayaa si saf-mar ah tooreyda ula dhex qaaday dad ku sugnaa Park Inn Hotel ee Bartamaha Magaalada Glasgow. Waxaana la xaqiijiyay dhimashada saddex qof oo rayid ah iyo dhaawaca tiro kale. Sida laga soo xigtay Booliska Scotland, Sarkaal Booliska ka tirsan oo goobta ka ag-dhawaa ayaa toogasho ku dilay nin la tuhunsan yahay inuu weerarkaasi ka dambeeyay.

                       Warbaahinta Britain ayaa qoreysa in dhaawacyada lix qof oo midkood uu yahay Sarkaal Boolis lagula cararay goobaha caafimaadka. Sarkaalkan ayaa dhaawaca soo gaaray lagu sheegay inuu yahay mid culus.

           Ciidan fara-badan ayaa iminka hawlgalo ka wada hotelka iyo nawaaxigiisaba, iyadoo dhanka kalana wadooyinka soo gala lagu gooyay gaadiidka ciidamada.

        Saraakiisha Booliska ayaa dadweynaha ku wargeliyay inay ka fogaadaan goobta uu weerarku ka dhacay, haddii ay xoogaga ammaanka ahi ka wadaan baaritaan amni xaqiijin ah.

       Kaaliyaha Taliyaha Booliska Scotland, Steve Johnson ayaa dadweyne faray inaanay ka soo ag-dhawaan xeendaabka hotelka la weeraray.

Hotelkan ayaa muddooyinkii ugu dambeysay hoy u ahaa dadka magangelyo-doonka ah, mana cadda sababta uu ninkaasi u bartilmaameedsaday.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip