DEG DEG:- Wasiir hore uga tirsanaa Galmudug oo ku dhaawacmay dagaal ka socda G/galgaduud

0
Friday June 26, 2020 - 19:34:46 in Wararka by
  • Visits: 198
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG:- Wasiir hore uga tirsanaa Galmudug oo ku dhaawacmay dagaal ka socda G/galgaduud

    Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo dagaal beeleedyo ay ka socdaan ayaa sheegaya in uu ku dhaawacmay wasiirkii hore ee shaqada iyo shaqaalaha ee maamulka Galmudug Daahir shidane Cabdi. Sida ay wararku sheegayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo dagaal beeleedyo ay ka socdaan ayaa sheegaya in uu ku dhaawacmay wasiirkii hore ee shaqada iyo shaqaalaha ee maamulka Galmudug Daahir shidane Cabdi. Sida ay wararku sheegayaan wasiirka ayaa dhaawac soo gaaray xilli uu isku dayay in uu dhexgalo laba maleeshiye beelood oo ku dagaalamaya waqooyiga gobolka Galgaduud,sidaas waxaa warbaahinta u xaqiijiyay xubno ka mi ah ehelkiisa.

            Dhaawaca wasiirka ayaa lasoo qaaday dhinaca magaalada Dhuusamareeb,iyada oo ilaa iyo haatan deegaanka Xananbuure iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud ay dagaaladu ka socdaan,inta la xaqiijiyana ilaa iyo haatan 4-ruux oo dhinacyada dagaalamay ah ayaa dhaawac soo gaaray.

     Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ka amababaxay magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegay in ay ku baxeen in kasta oo ilaa iyo haatan aysan ku guulaysan in ay kala qaadaan dhinacyada ama ay joojiyaan xabadda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip