Imaaraadka Carabta iyo Israel oo iska kaashanaya kahortagga Cudurka Covid-19
"Laba shirkadood oo gaar loo leeyahay oo ku yaalla Imaaraadka ayaa heshiis la galay laba shirkad oo laga leeyahay Israel si ay u horumariyanaan cilmi-baaris iyo teknoolajiyad lagula dagaalamo COVID-19,” ayey tiri WAM.
Lama shaacin magacyada labada shirkad iyo faah-faahino intaas dheer.
Marka laga reebo dalalka Masar iyo Jordan, dalalka Carabta wax xiriir rasmi ah lama lahan Israel.
Hase yeeshee dalalka Carabta ee Khaliijka, oo Imaaraadka Carabta ay ku jirto, ayaa sanadihii tegay waxay xiriiro aan rasmi ahayn la sameysanayeen Israel oo wadaagaan walaac la xiriira Iran, oo Israel ay u aragto cadowgeeda koowaad.
"Hadba sida aan u xoogganahay ayaan awood ugu yeelan doonnaa inaan iska leexino cadawgeena oo aan soo dhoweysano saaxiibadeenna,” ayuu Netanyahu ku yiri bayaanka uu soo saaray.
Hadalka Netanyahu ayaa yimid maalmo un ka hor xilliga la
filayo in Israel ay billowdo qorshe Mareykanka uu taageerayo oo ay ku
goosaneyso qeybo ka mid ah dhulka Daanta Galbeed ee ay haysato iyo
Dooxada Jordan.
xigasho; voa
Imaaraadka Carabta iyo Israel oo iska kaashanaya kahortagga Cudurka Covid-19
Shirkado ku yaalla Imaaraadka Carabta iyo Israel ayaa xooggooda isugu gayn doono cilmi-baarista iyo horumarinta teknoolajiyad lagula dagaalamayo cudurka Coronavirus, waxaa sidaas Khamiistii ku dhowaaqay labada dal oo aan lahayn wax xiriir diblomaasiy