Kumaandooska dowladda Soomaaliya oo sheegay in ay dileen nin Ajnabi ah oo Al-shabaab ka tirsanaa

0
Friday June 26, 2020 - 17:44:36 in Wararka by
  • Visits: 214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumaandooska dowladda Soomaaliya oo sheegay in ay dileen nin Ajnabi ah oo Al-shabaab ka tirsanaa

    Ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in ay dileen sargaal sare oo ka tirsan Alshabaab oo aan Soomaali aheyn, islamarkaana u qaabilsanaa dhinaca tababarka ciidamada , kadib dagaallo ka dhacay dhowr deegaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in ay dileen sargaal sare oo ka tirsan Alshabaab oo aan Soomaali aheyn, islamarkaana u qaabilsanaa dhinaca tababarka ciidamada , kadib dagaallo ka dhacay dhowr deegaan oo ka tirsan Gobolada dhexe sida uu baahiyahay raadiyaha Ciidamada dowladda ee SNA. Idaacadda oo soo xiganeysay taliyaha guutada 16-aad ee kumaandooska Danab G/le. Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa waxey baahisay in dagaallada ay ka dhaceen deegaannada Buur-gaduud, Salagle, Waabo iyo Duqay. Taliye Maalin ayaa sheegay in ay dileen sargaal lagu magacaabo Asharaf Azmi Abu "Hamdan" oo u dhashay Nepal oo ah jamhuuriyad ku taalla Asia . Dagaallada ayaa waxa uu sheegay in ay sii wada doonaan illaa inta laga xaqiijinayo inta ciidamada dowladda ay la wareegayaa dhulka ay Al-shabaab maamulaan. Dhinaca kale ma jiro war kasoo baxay Al-shabaab oo ay uga jawaabayaan dilka ninkaas ka tirsanaa la sheegay in loo geystay.
whatsapp sharing button

  


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip