Kulan u dhexeeya madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo ka socda magaalada Gaalkacyo

0
Friday June 26, 2020 - 17:20:52 in Wararka by
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan u dhexeeya madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo ka socda magaalada Gaalkacyo

    Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada waqooyiga Gaalkacayo ku qaabilay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada waqooyiga Gaalkacayo ku qaabilay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo.      Waa kulankii ugu horeeyay ee labada madaxweyne isku arkaan. Lama oga waxa uu ku saabsan yahay kulankaan, balse labada madaxweyne ayaa isku diyaarinaya ka qeyb galka shirka dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

            Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa horey u sheegay inuu ka shaqeynayo sidii uu iskugu soo dhoweyn lahaa dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah ee uu khilaafku ka dhexeeyo.

            Waxaa kulankooda la filayaa inay kaga hadlayaan xoojinta amniga Gaalkacyo oo ay maalmahaan ka socdeen howlgallo wadajir ah oo lagu dagaalamayo kooxaha qatarta ku ah amniga iyo wadajirka labada shacab.


thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail

thumbnail
thumbnail




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip