Farmaajo: Muuse Biixi waa nin Soomaali oo waayo arag ah (SAWIRRO)

0
Friday June 26, 2020 - 09:48:45 in Wararka by
  • Visits: 302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo: Muuse Biixi waa nin Soomaali oo waayo arag ah (SAWIRRO)

    Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya oo ka qaybgalay xuska sanad guurada 60aad ee ka soo wareegtay maalintii Xorriyadda Gobolada Waqooyi ayaa u hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo khu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya oo ka qaybgalay xuska sanad guurada 60aad ee ka soo wareegtay maalintii Xorriyadda Gobolada Waqooyi ayaa u hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa si qoto-dheer kaga hadlay muhiimadda maalinta 26-ka June oo xusuus weyn u leh shacabkeena, maadaama ay ahayd ileyskii koobaad ee halgankii xornimo doonka iyo maalintii koobaad oo calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xora. "Waxaa xusid mudan kaalintii SNL ay ku lahayd halgankii gobonimo doonka iyo xoreynta Gobolada Waqooyi, oo la mid ahaa doorkii SYL ku lahayd xornimada Gobolada Koofureed. Labada urur waxay lahaayeen xiriir wanaagsan, ujeedooyin iyo aragtiyo mideysan." Ayuu yri Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in wadahadaladii dhab u heshiisiinta ee ku dhisan qalbi furnaanta, is ogolaanshaha, walaaltinimada iyo daacadnimada ee ka furmay Jabuuti 14-kii bishan ay yihiin wadahadalo miro dhal ah.
      "Walaaleheena Somaliland waxaan ka raadinaynaa midnimo. Geeska Afrika waxaa ka bilaabmay iskaashi dhaqaale oo Somaliya ay fikirkiisa bilowday.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

           Waxa kaloo uu yiri "Walaalkey Muuse Biixi waa nin Soomaali ah, waa nin waayo arag ah, muddo dheer soo shaqeeyay, wuu garoowsanyahay in aan Somaliland horey u socon karin, anaguna aanan u socon karin, geesinimadeedii wuu leeyahay wuuna bilaabay.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay dib u milicsadaan sooyaalka wanaagsan ee dalkeena, isaga oo walaalaha Waqooyiga ugu baaqay in ay hormuud u noqdaan midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

"Waxaa xaqiiqo ah, halganku in uusan marnaba dhammaan. Midka ina horyaal, waa uu ka duwan yahay kii gobonnimmo doonka. Waase lagama maarmaan inaan midnimo iyo geesinnimo ku wajahno, annaga oo Ilaahay kaashaneyna, si aan u xaqiijinno mustaqbalka jiilasha dambe ee Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Intii ay socotay munaasabaddu, waxaa hadalo ku aaddan halgankii xorriyadda iyo hiigsiga dadka Soomaaliyeed ee waqtigaas ka jeediyay masuuliyiin, waxgarad, Abwaano iyo Hobolada Qaranka oo suugaan ku cabirayay qiimaha midnimada, wadaniyadda iyo wadajirka.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambayduna ay ku maamuusayso heesta Calanka ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo ay munaasabadda ku qabsoomtay.

            Munaasabadan waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh, Gudoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Aqalka Sare, Senator Mowliid Xuseen Guhaad, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Guddomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida, diblomaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip