Madaxweyne Farmaajo oo ubax dhigey taalada Daljirka Dahsoon

0
Friday June 26, 2020 - 16:40:36 in Wararka by
  • Visits: 237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo ubax dhigey taalada Daljirka Dahsoon

    Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo geesiyaashii naftooda u huray xornimada, qarannimada iyo midnimada dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka Daa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo geesiyaashii naftooda u huray xornimada, qarannimada iyo midnimada dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho. Boqollaal Shacab ah oo ay ka muuqato farxadda Xuska 60-Guurada Xornimada iyo Midnimada ayaa Madaxweynaha kula dabbaal degay Taallada Daljirka Daahsoon oo astaan u ah maamuuska iyo qiimeynta Halyeey kasta oo Soomaaliyeed oo naftiisa iyo nolashiisaba u hura difaaca iyo hormarinta dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyada oo Ciidamada Baambayda ay ku maamuusayeen heesta Calanka iyo Astaanta dalkeenna. Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada Daljirka Daahsoon waxaa ka qayb-galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Ku-xigeennadiisa, Wasiirro ka tirsa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddiyada Heer Federaal iyo Heer Gobol ee Xuska 60-guurada Xornimada iyo Midnimada. Madaxweyne Farmaajo oo taalada daljirka dahsoon dhagax dhigey

        




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip