Shil sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhacay gobolka Nugaal

0
Thursday June 25, 2020 - 23:36:35 in Wararka by
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shil sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhacay gobolka Nugaal

    Wararka ka imaanaya degmada Dangoroyo oo qiyaastii 120km dhanka bari kaga beegan caasimadda Garoowe ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta halkaas uu ka dhacay shil khasaare dhimasho iyo dhaawac gaystay. Goobjoogayaal ayaa soo sheegaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya degmada Dangoroyo oo qiyaastii 120km dhanka bari kaga beegan caasimadda Garoowe ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta halkaas uu ka dhacay shil khasaare dhimasho iyo dhaawac gaystay. Goobjoogayaal ayaa soo sheegaya in gaari xamuul ah oo ka yimid dhinaca Garoowe uu dusha ka maray gaari nooca Raaxad ah oo ka yimid dhinaca Boosaaso waxaana shilku ka dhacay dalcad qiyaastii 5km dhanka Garoowe ka soo xigtay degmada Dangoroyo. Gaariga Raaxad ah waxaa saarnaa saddex ruux oo laba goobta ku dhimatay halka dhaawac qofkii saddexaadna loo qaaday isbitaalka magaalada Garoowe oo hataan lagu dabiibayo. Labada ruux ee dhintay midkood ayaa isna weli gaariga ku hoos jira sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Taraafikada gobolka Nugaal. Sawir goobta laga soo qaaday ayaa muujinaya gaariga xamuulka ah oo ku taagan gaariga yare ee Raaxad ah waxaana burbur xooggan ka muuqdaa gaariga yar oo daasad noqday balse ma jiro wax khasaare ah oo gaaray dadka saaran gaariga xamuulka ah
      


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip