Wariye Cabdifitaax Cabdulqaadir Shariif oo caawa lagu toogtay Muqdisho

0
Thursday June 25, 2020 - 23:09:05 in Wararka by
  • Visits: 267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Cabdifitaax Cabdulqaadir Shariif oo caawa lagu toogtay Muqdisho

    Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa toogasho lagu dhaawacay Wariye Cabdifitaax Cabdulqaadir Shariif, oo ka mid ah Wariye-yaasha degan Caasimadda Muqdisho. Xilli Wariyaha uu la socday mooto bajaaj ayaa lag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa toogasho lagu dhaawacay Wariye Cabdifitaax Cabdulqaadir Shariif, oo ka mid ah Wariye-yaasha degan Caasimadda Muqdisho. Xilli Wariyaha uu la socday mooto bajaaj ayaa lagu rasaaseeyay xaafadda Say Biyaano ee Degmada Hodan, iyadoona ay hal xabad kaga dhacday qaybta kore ee madaxa. Cabdifitaax Cabdulqaadir Shariif ayaa dhaawaciisa lagu cararay Isbitaal Madiina, oo iminka lagula tacaalayo xaaladiisa caafimaadeed. Wariyaha ayaa xilligan ka hawlgalaayay Xarunta Radio Danan ee Magaalada Muqdisho.

           


Milkiilaha Radio Danan ahna Agaasimaha Idaacadda, Maxamed Deeq Xaaji Barre (Fiyoore) ayaa Dhacdo.com u xaqiijiyay toogashada lagu dhaawacay Wariyahooda, xilli uu ka baxay goobtiisa shaqo, kuna sii jeeday hoygiisa.

Agaasimaha ayaa yiri "Wariyaha goobtiisa shaqada ayuu ka baxay, dabcan gurigiisa ayuu ku sii jeeday, meesha ay wax ka dhaceena waa Say Biyaano, isagoo saaran mooto bajaaj ayuu askari boolis ah gadaal kaga soo riday rasaas, madaxa ayayna uga dhacday.”

Agaasimaha ayaa tilmaamay in xaaladda Wariyaha ay ka wanaagsan tahay sidii ay markii hore u maleynayeen, wuxuuna yiri "Xaaladda sidii aan marka hore moodeynay iyo hadda way kala duwan tahay. Xabadda madaxa ayay uga dhacday, qaybta kore, laakiin maskaxda ma dhex gelin. Al Xamdulillaah hadda xaaladiisa way ka soo reyneysaa, Isbitaal Madiina ayaana la dhigay.”

Fiyoore ayaa sidoo kale sheegay inaanay garanayn ujeedada ka dambeysa dhibaateenta Wariyaha, sidoo kalana aysan kala cadayn karin saldhiga uu ka tirsan yahay askariga falka gaystay, marka laga soo taggo in shakshiga dhibka gaystay uu yahay askari ka tirsan Ciidankii Qaranka.

"Anaga ma sheegi karno sabab gaar ah oo Wariyaha loo beegsaday, askarigana ma garaneyno degmada uu ka tirsan yahay, xitaa in la qabtay iyo in kale ma cadayn karno, laakiin wuxuu ahaa askariga xilligaasi ku sugnaa Say Biyaano.” Ayuu Yiri Fiyoore.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya inaanay jirin cid kale oo wax ku noqotay rasaastii uu askarigaasi ku furay mooto bajaajta, illaa iyo hadda inta laga warqabo.

Saraakiisha Ciidanka Booliska iyo Maamulka Degmada Hodan ayaan weli ka hadlin dhacdada caawa lagu dhaawacay ninka Wariyaha ah, waxayna tani ku soo aadaysaa, xilli ay soo kordhayan waxyeelada ay ciidanku u gaysanayan bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Xigasho:-dhacdo.com





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip