Maraykanka oo beeniyay in la bedelay safiirkii Soomaaliya Donald Yamamota

0
Thursday June 25, 2020 - 23:48:20 in Wararka by
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka oo beeniyay in la bedelay safiirkii Soomaaliya Donald Yamamota

    Dowlada Maraykanka ayaa beenisay warar sheegayay maalmihii la soo dhaafay in la bedelay safiirka dowlada Maraykanka u joogay dalka Soomaaliya Donald Yamamoto. Af-hayeen u hadlay safaaradda Maraykanka ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Maraykanka ayaa beenisay warar sheegayay maalmihii la soo dhaafay in la bedelay safiirka dowlada Maraykanka u joogay dalka Soomaaliya Donald Yamamoto. Af-hayeen u hadlay safaaradda Maraykanka ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Ambassador Yamamoto uu weli yahay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.

                         "Wixii su’aalo ah ee ku saabsan safiir la magacaabayo mustaqbalka waxaa ka jawaabi kara Aqalka Cad,” ayuu yiri af-hayeenku.

Safiirrada Maraykanka waxaa magacaaba Aqalka Cad, waxaana ansixiya Aqalka Sare ee Koongareeska ee Senate-ka, waana hawl qaadan karta dhowr bilood.

              Safiirradu waxay ku shaqeeyaan rabitaanka Madaxweynaha, taariikh ahaanna waxay caadiyan xilka hayaan 2-4 sano.

Ambassador Yamamoto waxa uu muddo dheer ahaa shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, waana sarkaalka shaqaynayey muddada ugu dheer, bishii May ee aynu soo dhaafnay ayey u buuxsantay 40 sano oo uu soo ahaa shaqaalaha arrimaha dibedda.

          Inkastoo uu yahay sarkaalka shaqaynayey muddada ugu dheer, haddana waxa uu marayaa meertada is-bedbeddellada muddo xileedka taasi oo u baahan inuu Madaxweynuhu magacaabista sameeyo, kadibna Senate-ku ay ansixiyaan.

             Ilaa haatan cidna looma magacaabin inuu beddelo Ambassador Yamamoto, waxana uu sii wadanayaa shaqadiisa inta taasi laga gaarayo.

Xigasho;voa




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip