Nin Walaalkiis Tooreey ku dilay Muqdisho

0
Thursday June 25, 2020 - 17:25:56 in Wararka by
  • Visits: 209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Walaalkiis Tooreey ku dilay Muqdisho

    Falkaan ayaa waxaa uu dhacay Xaafada Siisii oo ka tirsan degmada Deeyniile ee Gobolkaan Baanadir,waxaana Ninka oo lagu Magacaabo Xasan Nuur Ciroobe uu dilay Walaalkiis ka yar oo lagu Magacaabi jiray Cabdinaasir Nuur Ciroobe. Dad ku sugan Xaafada u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Falkaan ayaa waxaa uu dhacay Xaafada Siisii oo ka tirsan degmada Deeyniile ee Gobolkaan Baanadir,waxaana Ninka oo lagu Magacaabo Xasan Nuur Ciroobe uu dilay Walaalkiis ka yar oo lagu Magacaabi jiray Cabdinaasir Nuur Ciroobe. Dad ku sugan Xaafada uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in dhacdadaan oo ay ka argagaxeen ay ka dhacday Banaanka hore ee Gurigooda,kadib markii uu ku dhawaad 10 jeer uu tooreey la dhacay. Weli lama cadeyn sababta keentay in Wiilkaasi Dhalinyarada ahaa uu tooreey ku dilo Walaalkiis,waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in uu goobta ka baxsaday Ninka dilka geystay. Ciidamo ka tirsan Booliska degmada Deeyniile ayaa tegay Guriga ay dhacdadaan ka dhacday, iyaga oo baadi-goob ku jira Ninkii dilka arxan darrada ah geystay. Bishii hore ayay aheyd markii Xaafada Raadeerka oo ka tirsan degmada Deeyniile ay Haweeneey Tooreey ku dishay Seeygeeda oo ahaa Guddoomiyaha Waaxda Halgan ee degmadaasi Deeyniile.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip