Amb, Daahir Geelle" Dowladda waa inay qabataa doorasho is ogol ah"

0
Thursday June 25, 2020 - 17:13:38 in Wararka by
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amb, Daahir Geelle" Dowladda waa inay qabataa doorasho is ogol ah"

    Amba Daahir Maxamuud Geelle Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka dalka, Amniga qorshooyin uu sheegay inay ku fashilantay Dowladda Soomaaliya. Waxaa uu ka sheekeeyay marxaladihii kala d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amba Daahir Maxamuud Geelle Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka dalka, Amniga qorshooyin uu sheegay inay ku fashilantay Dowladda Soomaaliya. Waxaa uu ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee loo soo maray doorashooyinka dalka oo uu sheegay in Madaxdii dalka soo martay ay meel fiican soogaarsiiyeen,hayeeshee Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay meeshii hore meel ka xun u wadaan. Amba Daahir Maxamuud Geelle oo ka hadlay Arrimaha Amniga ayaa waxaa uu sheegay in meelo badan oo dalka ah oo horay loo tegi jiray aan hadda la tegi karin, taasna ay qeyb ka tahay waxyaabaha ay ku fashilantay dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxda dowladda aysan u muuqan kuwo keenaya qorsho ka duwan doorashadii hore,balse ay muhiim tahay in la qabto doorasho nooceey ahaataba taasi oo ay wadatashi kala yeelato saamileyda siyaasadeed ee dalka. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip