DFS oo sheegtay in maraakiib si sharci darro ah uga kalluumeysteen Xeebaha Somalia

0
Thursday June 25, 2020 - 17:11:51 in Wararka by
  • Visits: 213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DFS oo sheegtay in maraakiib si sharci darro ah uga kalluumeysteen Xeebaha Somalia

    Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in maraakiib wadata Calanka Dowladda Iran ay sharci daro ah uga kaluumeysanayaan Badda Soomaaliya. War qoraal ah ka soo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Soomaaliy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in maraakiib wadata Calanka Dowladda Iran ay sharci daro ah uga kaluumeysanayaan Badda Soomaaliya. War qoraal ah ka soo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay In mudadii u dhaxeysay January 2019-14-04-2020 la ogaaday 112 markab oo kaluumeysanaya. Sidoo kale Wasaaradda waxaa ay sheegtay in marnaba aysan aqbali doonin maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumeysta Xeebaha Soomaaliya, isla markaana tallaabo ka qaadi doonaan. Dowladda Soomaaliya ayaa horay waxaa ay ugu digtay Maraakiibta sida Sharci darrada ah uga Kalluumeysta Xeebaha Soomaaliya, iyada oo ay jireen Maraakiib Kalluumeysi oo dowladda Soomaaliya ay dul-dhigtay Ganaax lacageed.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip