Puntland oo sheegtay inay Go'aano gaareyso

0
Thursday June 25, 2020 - 17:09:05 in Wararka by
  • Visits: 200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo sheegtay inay Go'aano gaareyso

    War qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu cadeeyey in aysan Puntland qeyb ka noqon doonin qodobada ay meel marinayaan Golaha Shacabka ee la xiriira Xeerarka Doorashooyinka. Puntland ayaa sheegtay in aan la tixg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu cadeeyey in aysan Puntland qeyb ka noqon doonin qodobada ay meel marinayaan Golaha Shacabka ee la xiriira Xeerarka Doorashooyinka. Puntland ayaa sheegtay in aan la tixgelin is-afgaradkii lagu gaaray Shirkii wadatashiga ee ku qabsoomay 22-kii Bishaan habka Internetka ee Aalada (Zoomka) oo ay yeesheen Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada. Qoraalka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in laga digayo in shuruucda wadanka lagu saleeyo damac-gaar ah iyo rabitaanka madaxda dalka, iyadoo loo marayo habraacyo aan waafaqsanayn dastuurka ku-meel gaarka ah, laguna dhiirranayo been-abuur iyo isdaba-marin sida ku cad qoraalkii Guddoomiyaha Aqalka Sare. Puntland, ayaa sidoo kale waxaa ay sheegtay in ay qaadaneyso dhaqan-galinta go'aamadii shirkii wadatashiga Puntland ee Bishii March ee sanadkaan 2020-ka oo ogolaanayay u dhaqmida si dawlad madax banaan oo kale. 4-ta Xeer oo la horgeeyey Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa labo kamid ah la ansixiyay, xili Maanta la filayo in qodobka ugu xasaasisan go'aan laga gaaro oo ah Matalaada Banaadir oo labadii Maalin ee la soo dhaafay ay Xildhibaannada ka doodayaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip