Ciidanka Dowladda oo baadi-goobaya Kooxo dilal geystay

0
Thursday June 25, 2020 - 16:50:57 in Wararka by
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Dowladda oo baadi-goobaya Kooxo dilal geystay

    Taliyaha ururka 39 aad qeybta 27 aad ee ciidanka xoogga dalka, Dhamme Maxamed Ibraahim Daa'uud ayaa sheegay in ay wadaan howlgal lagu sugayo amniga deegaanada hoos taga Gobolka Hiiraan Taliyaha,waxaa uu xusay in ay howlgallo ka fuliyeen degaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ururka 39 aad qeybta 27 aad ee ciidanka xoogga dalka, Dhamme Maxamed Ibraahim Daa'uud ayaa sheegay in ay wadaan howlgal lagu sugayo amniga deegaanada hoos taga Gobolka Hiiraan Taliyaha,waxaa uu xusay in ay howlgallo ka fuliyeen degaanka Jawiil ee gobolka Hiiraan,isla markaana ujeedkiisu ahaa in la soo qabto kooxo falal amni daro ka geystay degaanka maalmo ka hor. Maxkamadda ciidanka ee qeybtaas ayaa dhowaad amar ku siisay saraakiisha ciidanka in ay soo qabtaan dadka ku howlan waxyeeleynta shacabka isticmaala inta u dhexeysa Beledweyne iyo degaanka Jawiil. Taliye ku xigeenka guutada 5 aad ee qeybta 27 Korneel Maxamed Cabdi Xasan ayaa sheegay in in ciidanku u taagan yihiin ilaalinta nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed wixii dhibaato ku hayana ay gacan bir ah ku qaban doonaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip