Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay kiisas Cusub oo Coronavirus ah

0
Wednesday June 24, 2020 - 22:23:17 in Wararka by
  • Visits: 196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay kiisas Cusub oo Coronavirus ah

    Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 8 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 8 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 837. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 25 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland, 17 qof, , Muqdisho 7 iyo Koonfur Galbeed 1 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,860. Bukaannada cusub 19 waa rag. 6-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay majirin dad Soomaaliya ugu geeriyooday Cudurka COVID-19. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip