Somaliland oo shaacisay kiisas Cusub oo Coronavirus ah

0
Monday June 22, 2020 - 22:29:02 in Wararka by
  • Visits: 209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo shaacisay kiisas Cusub oo Coronavirus ah

    Soomaaliland ayaa soo bandhigtay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo 24-kii saac ee la soo dhaafay baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19. War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliland ayaa soo bandhigtay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo 24-kii saac ee la soo dhaafay baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19. War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in la baaray 102 ruux,balse Cudurka laga helay 7 kamid ah dadkaas,kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah. Dadka Cudurka laga helay oo isugu jira 6 Rag ah hal Dumar ah ayaa waxaa ay ku kala sugan yihiin 4 Magaalada Hargeysa, hal 3 kale ay ku sugan yihiin Magaalada Boorama. Majirin wax dhimasho ah oo uu sababay Cudurka COVID-19 deegaannada Soomaaliland 24-kii Saac ee la soo dhaafay,waxaana weli deegaannada Soomaaliland ka socda baarista Cudurka COVID-19. Ugu dambeyn Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 663 Ruux 147 Qof ay ka bogsoodeen halka 28 Ruux ay u geeriyoodeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip