Booliska oo soo bandhigay Madbacado si sharci darro ah daabacaad u sameeyay

0
Monday June 22, 2020 - 22:26:08 in Wararka by
  • Visits: 201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska oo soo bandhigay Madbacado si sharci darro ah daabacaad u sameeyay

    Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in ay sameeyeen howlgal ay kusoo qabteen madbacado si sharci daro ah u daabacayay buugaagta manhanjka waxbarashada dalka ee dhawaan dowladda ay soo saartay i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in ay sameeyeen howlgal ay kusoo qabteen madbacado si sharci daro ah u daabacayay buugaagta manhanjka waxbarashada dalka ee dhawaan dowladda ay soo saartay iyo dadkii lahaa. Waxa ay sheegeen in daabacista buugaagta manhajka qaranka lasiiyay hal madbacad oo tartan lagaliyay kusoo guuleysatay ayna qalad tahay in ay badiyaan madbacado aan ogoloshaasho ka ahaysan dowladda. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federalka Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed ayaa waxa uu sheegay in hal madbacad ay siiyeen ogolashada daabacaada buugaagta lana ogoleen in labadiyo laguna soo daro kuwo kale. Waxa uu Shacabka Soomaaliyeed uga digay in ay iibsadaan buugaagta l abadiyay ee aan ahayn kuwa ay daabacday madbacadda ruqsada uheysata daabacaada cidii lagu arko, iyadoo iibinaysa ama haysatana sharciga la horgeyn dooono. Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed dhame Sadiiq Aadan Cali ayaa waxa uu sheegay in howlgal ay sameeyeen ay kusoo qabteen madbacadaha sida sharci darada ah u daabacayay buugaagta manhanjka waxbarashada dalka , dadkii lahaa iyo kuwii ka shaqaynayay sharcigana lahorgayn doono.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip