Wasiir Fowsiya & Wakiilka QM ee Soomaaliya oo kulan yeeshay

0
Sunday June 21, 2020 - 21:39:39 in Wararka by
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Fowsiya & Wakiilka QM ee Soomaaliya oo kulan yeeshay

    Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa waxa ay ku soo dhaweysay Isbitaalka Guud ee De-Martino wafdi uu hogaaminayay Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr.James Charistophe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa waxa ay ku soo dhaweysay Isbitaalka Guud ee De-Martino wafdi uu hogaaminayay Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr.James Charistopher Swan. Sidoo kale wafdiga Amb, James Swan ayaa waxaa kamid ahaa madaxa Hay'dda Caafimaadka Adduunka ee Soomaliya (WHO Somalia) Dr Malik,iyaga oo mas'uuliyiintaan kulan gaar ah ku wada qaatay Gudaha Isbitaalka. Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Hay'dda Caafimaadka Adduunka ee Soomaliya (WHO Somalia) Dr Malik ayaa waxaa ay uga mahadceliyeen dhamaan madaxda Wasaaradda iyo shaqaalaha caafimaadka Isbitaalka guud ee De-Martino sidii geesinimada lahayd ee ay ula dagaalameen cudurka dilaaga ah ee saameeyay dunida oo dhan COVID-19. Sidoo kale Mr.James waxa uu mar labaad u mahad celiyay Shaqaalihii naftood hurayaasha ahaa ee safka hore kaga jiray ladagaalanka cudurka COVID-19.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip