Dowladda oo ka shirtay Ammaanka munaasabadaha maalmaha Xuriyadda

0
Sunday June 21, 2020 - 21:32:31 in Wararka by
  • Visits: 191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo ka shirtay Ammaanka munaasabadaha maalmaha Xuriyadda

    Kulankan oo looga hadlay u diyaar gorowga qabsoomidda Munaasabadaha Maamuuska Maalmaha Xoriyadda iyo Midnimada JFS gaar ahaan Sugida amaanka ayaa dhex maray Gudigga Qaban qaabada 60 sano guurada Xoriyadda Soomaaliya iyo Saraakhiisha Ciidamada Qalabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankan oo looga hadlay u diyaar gorowga qabsoomidda Munaasabadaha Maamuuska Maalmaha Xoriyadda iyo Midnimada JFS gaar ahaan Sugida amaanka ayaa dhex maray Gudigga Qaban qaabada 60 sano guurada Xoriyadda Soomaaliya iyo Saraakhiisha Ciidamada Qalabka Sida waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha guddiga Qaban-qaabada xuska maalmaha xoriyadda ahna Wasiirka Warfaafinta XFS Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye). Kulanka oo Saxaafaddu dibad joog ka ahayd ayey guddiga Xuska maalmaha xoriyaddu layeesheen Saraakiisha Ciidamada Qalabka ee Qaranka oo uu ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage, waxaa kale oo goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed S/guuto Mahad Cabdraxmaan Aadan, Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Maxamed, saraakiil kasocday Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Maamulka gobolka Banaadir ayaa looga hadlay Adkaynta Amaanka Caasimadda inta lagu guda jiro todobaadka Xoriyadda si gaar ahna looga gaashaanto falalka argagixiso ee cadawgu umaleeyagaan umadda Soomaaliyeed Masuuliyiinta ayaana ku nuuxnuuxsaday Muhiimada ay leedahay in Masuuliyadd layska saarayo goobaha loo qorsheeyey in lagu qabto Maamuska Ayaamaha Xoriyadda JFS. Dowladda Soomaaliya ayaa u diyaar garawday xuska Todobaadka xoriyadda 60 sano guuradii kasoo wareegtay markii layska tuuray heeryadii gumaystaha oo kabilaabanaysa 26 bisha juun maalintii ay gobolada waqooyi xoriyadda ka qaateen gumeystihii kuna eg 1dii Luuliyo oo ah Maalinta Xurnimada Goboladda Koofureed iyo Maalintii ay midooben Goboladii Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya halkaas oo lagu aasaasay dowladii iyo ugu horeeyay gayiga Jamhuuriyadda Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip