Masar oo ku hanjabtay iney taageero Milatari siineyso Khalifa Xaftar

0
Sunday June 21, 2020 - 21:28:12 in Wararka by
  • Visits: 196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masar oo ku hanjabtay iney taageero Milatari siineyso Khalifa Xaftar

    Madaxaweynaha dalka Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa ku gooddiyay iney suurtagal-tahay in dalkiisa qaadi doono tallaabo milatari oo lagu taageerayo janaraal Khaliifa Xaftar oo ay awooddisa hoos u sii socoto inkastoo weli uu ka amar taagleeyo magaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxaweynaha dalka Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa ku gooddiyay iney suurtagal-tahay in dalkiisa qaadi doono tallaabo milatari oo lagu taageerayo janaraal Khaliifa Xaftar oo ay awooddisa hoos u sii socoto inkastoo weli uu ka amar taagleeyo magaalada sirte. Khudbad uu telefishinka ka jeediyay ayuu Sisi ka sheegay in magaalada sirte ay masar u tahay khad cas, wuuxuna ku nuux-nuuxsaday in dhaq-dhaqaaqkasto oo ay sameeyneyso xukuumadda Qaahira ay noqon doonto mid waafaqsan sharuucda caalamiga ah. Dowladda ay aqoonsan-tahay Qaramada Midoobay ayaa hadalka madaxaweyne Cabifataax ku tilmaantay inuu yahay 'dagaal ka dhan ah dadka reer Liibiya' waxayna shegtay ineysan jirin wax la yirahdo khad casaan ah oo ku yaalla gudaha Liibiya. Ciidamada dowladda oo uu Turkiga baritaarayo ayaa ku sii siqaya magaalada Sirte iyagoo horayna ula wareegay magaalooyin muhiim u ahaa Janaraalka loo taagta-waayay. Xulkuumadda Ankara ayaa tiri: 'waa in Janaraal Xaftar uu isaga baxo magaalada Sirte, haddii la doonayo in la helo xabad joojin waarta' Mar sii horreeysay dalalka baritaara khalifa Xaftar ayaa ku baaqay xabad joojin, iyo in la billaabo wadaxaajood lagu xallinayo xaaladda ka aloosan Liibiya. Waxaa horay fashil ugu dhaamaaday wada-hadallo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya Dowladda Liibiya iyo janaraalka Khaliifa Xaftar. Baratamihii sannadkii hore ayaa waxaa aad u xogeystay awoodda khaliifa Xaftar isagoo gulufyo xooggan ku qaadayay xarunta dowladda ee Tripoli iyo guud ahaan koonfurta Liibiya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip