Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in Soomaaliya ka jirin wax dowlad ah

0
Sunday June 21, 2020 - 21:26:08 in Wararka by
  • Visits: 198
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in Soomaaliya ka jirin wax dowlad ah

    Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo khudbad ka jeediyay isu-soo bax lagu taageerayay Ololihiisa Dib-u-doorashada Madaxtinimada Maraykanka ,kaas oo ka dhacay magaalladda Tulsa ee Gobalka Oklahoma ayaa ka hadlay arrimo kamid ah xaalada dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo khudbad ka jeediyay isu-soo bax lagu taageerayay Ololihiisa Dib-u-doorashada Madaxtinimada Maraykanka ,kaas oo ka dhacay magaalladda Tulsa ee Gobalka Oklahoma ayaa ka hadlay arrimo kamid ah xaalada dalka Soomaaliya. Donald Trump ayaa eedeyn kulul waxaa uu marka hore u jeediyay Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka oo uu sheegya inay dooneyso inay Mareykanka ka dhigto dalka ay kasoo qaxday ee Soomaaliya. Madaxweyne Trump waxa uu Khudbadiisa ku soo hadal-qaaday inay Ilhan Omar doonayso inay galangal badan ku yeelato Dowladda Joe Biden oo ah Murashax Xisbiga Dimuqraadiga ee xilka Madaxtinimada kula tartami doono Trump. Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ,isaga oo ka hadlayay Arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in Soomaaliya aysan ka jirin wax dowlad ah waa sida uu hadalka u dhigay. "Ilhan Cumar waxaa ay dooneysaa inay mareykanka ka dhigto dalka ay ka timid ee soomaaliya oo kale oo aysan ka jirin wax dowlad ah, boolis kama jiro,nabad kama jirto,balse waxaa kaliya kajira amar la'aan iyo jahwareer ,waxayna noo tilmameysaa halka uu dalkeena u socon lahaa, Waxaan leenahay Maya…Maya ayuu yiri" Madaxweyne Trump. Hadalka eedeynta ah uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu u jeediyay Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka ayaa waxaa ay qeyb ka tahay khilaafka u dhaxeeyay labada mas'uul,iyada oo horay uu uga dhex-jiray dagaal dhinaca Twitter-ka ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip