Ayax farabadan oo ku degay degaano ka tirsan Soomaaliland

0
Sunday June 21, 2020 - 21:20:25 in Wararka by
  • Visits: 192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ayax farabadan oo ku degay degaano ka tirsan Soomaaliland

    Saacadihii la soo dhaafay waxaa Ayax farabadan lagu arkay degaanka Balli-Cabane oo ku yaalla duleedka Magaalada Hargeysa ee degaannada Soomaaliland,kaas khatar weyn ku haya dalagyadii beeraha. Gudoomiyaha degmada Balli-Cabane ee gobolka Hawd Axmed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saacadihii la soo dhaafay waxaa Ayax farabadan lagu arkay degaanka Balli-Cabane oo ku yaalla duleedka Magaalada Hargeysa ee degaannada Soomaaliland,kaas khatar weyn ku haya dalagyadii beeraha. Gudoomiyaha degmada Balli-Cabane ee gobolka Hawd Axmed Cabdilaahi Ibraahim ayaa Warbaahinta u sheegay in Ayaxa uu baabi'yay dalagyo farabadan iyo nabaadkii dhulka ee xooluhu ay cuni lahaayeen. Sidoo kale Guddoomiyaha waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in badi Ayaxa uu dusha kaga dagay barkadihii biyaha laga cabayay, halkaasi oo ay ka dhalan karto caafimaad daro soo wajahada dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi. Ugu dambeyn Wasaaradda Beeraha Somaliland iyo hay'adaha ku shaqada leh uu ka socdsaday inay la soo gaaraan waxyaabihii lagula dagaalamayey Ayaxa si loo badbadiyo dalaga iyo daaqa xoolaha ee daagaankaasi. Soomaaliland ayaa waxaa dhawaan lagu wareejiyay laba diyaaradood oo Helicopter ah,kuwaas oo loogu talo galay in dhulka Miyiga ah inay ka buufiyaan cayayaanka Ayaxa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip