Dowladda oo loogu baaqay in ay qaadato masuuliyadda ka saaran ka hortagga iyo joojinta kufsiga

0
Saturday June 20, 2020 - 23:59:11 in Wararka by
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo loogu baaqay in ay qaadato masuuliyadda ka saaran ka hortagga iyo joojinta kufsiga

    Sannadkii 2019, tirada kiisaska kufsiga ee laga soo sheegay Soomaaliya waxay ahaayeen 744, oo 241 ka mid ah la xaqiijiyay inay yihiin kiisas CRSV oo lala beegsaday haween iyo gabdho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sannadkii 2019, tirada kiisaska kufsiga ee laga soo sheegay Soomaaliya waxay ahaayeen 744, oo 241 ka mid ah la xaqiijiyay inay yihiin kiisas CRSV oo lala beegsaday haween iyo gabdho.

               Hase ahaatee, dadka ugu badan ee ka badbaada xadgudubka galmada ee la xiriira xilika colaadaha ma soo sheegaan rabshadahaas sababo la xiriira cabsi iyo ceeb xagga dhaqanka ah awgood, sidaa darteedna, weli waa dambi aan loo soo sheegin si ku filan sidda lagu sheegay Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey.

                   Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in ay wax ka qabato dhibaatadda lagu haayo Haweenka Soomaaliya.

                  Waxaa uu sheegay in tahay mas’uuliyad saaran wax ka qabashada dhibaatadda taagan, islamarkaana warbixinta Qaramada Midoobey kasoo baxday ay u baahan tahay in baaritaano dheeraad ah lagu sameyo.

                 "Warbixin ay Qaramada Midoobay ka soo saartay tacadiyada kufsiga haweenka ee Soomaaliya ka dhacay sanadkii 2019kii ayaa lagu sheegay inay gaarayaan 744 tacadi, tacadiyadaas oo qaar ka mid ah loo geystay gabdho aad u da,yar” ayuu yiri Guuleed.

             "Runtii waa wax aad looga xumaado tacadiyadaas foosha xun ee lagula kacayo haweenka iyo hablaha Soomaaliyeed ee sharafta leh.Waxaan dowladda ugu baaqeynaa inay qaadato masuuliyadda ka saaran ka hortagga iyo joojinta kufsiga iyo tacadiyada ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed. Waxaan sidoo bulshada ugu baaqaya inay u istaagto ciribtirka kufsiga oo ah fal danbiyeed iyo dhaqan aad u fool xun” ayuu kusii daray hadalkaasi Guuleed.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip